Tuesday, August 28, 2018

Caqabadaha Af Soomaaliga iyo Xarfahiisa!

Sida ay qoreen Gudigii Af Soomaaliga 1972-kii, ma jiro erey asalkiisu Soomaali yahay, oo ku dhamaada xarfaha "M, K, ama T". Haddii ereyo, asalkooda nooga yimid luuqado kale, lagu soo biiriyo af Soomaaliga waxaa la waafijinayaa dhaqanka (dhawaqa) luuqadda, oo haddii ay ku dhamaanayeen xarfahaas midkood waa laga badalayaa.

Tusaale, waxaa jiri kara ereyo badan, oo aan kasoo amaahanay Carabiga sida: مومنت, مسلمت, عباذة, قلم, علم, ادم. Dhamaan ereyadaas waxaa u dambeeya xarfaha af Soomaali ahaan u dhigan "t ama m", waxaana loo bedelaa "d" meeshii "t" ah ama "n" meeshii "m" ah. Waxaa la mid ah Ingiriiska, oo tusaale ahaan "Book" loo qoro af Soomaali ahaan "Buug".

Sidaas oo kale, ma jiro erey asalkiisu Soomaali yahay oo ku bilowda ama ku dhamaada xarafka "Kh". Ereyada asalkoodu Soomaaliga yahay ee uu ku jiro xarafkaas waxa uu soo geli karaa uun gudaha (bartamaha) ereyga, mana badna. Ereyo badan, oo asal ahaan Carabi ah, ayaa jiri kara, kuwaas oo ku bilaabanaya ama ku dhamaanaya xarafkaas, uuna afkeenu u qoro "Kh" dhamaad iyo bilowba.

Waxaa jira inuu afkeenu u baahan yahay hormarin, oo sida ay qabaan aqoonyahanno badan, waxaa loo kala duwi karaa ereyada isku dhigmada ah, laakiin kala dhihista ah, sida aysan isku dhawaaq u ahayn. Tusaale, waxaa la soo kordhin karaa shaqalo culus oo dhigmadooda lagu kala saarayo, taasoo aad u sahleysa inuu qofku fahmo qormada (jumlo iyo ereyba).

Tusaale: "waa inan qurxoon". Waa jumlo dhameystiran, haddana lama fahmi karo in qofka laga hadlayo uu yahay lab ama dhidig. Waxaa la mid ah "wuu duulay". Iyana lama fahmi karo inuu cirka (hawada) u kicitimay ama uu dagaal qaaday, maxaayeelay ereyga "duul" waxa uu, fal ahaan, yeeshaa labadaas micno (1. cir u kicitimid ama 2. dagaal qaadid).

Ka warran haddii, sida ay qabaan aqoonyahannada qaar, loo qoro "waa inån qurxoon", marka loola jeedo gabar; "waa inan qurxoon", marka loola jeedo wiil? Ama "wuu dúúlay" marka loola jeedo inuu dagaal qaaday ama "wuu duulay" marka loola jeedo inuu hawada sare aaday.

Sidaas oo kale, waxaa jira ereyo fara badan, oo ah "Isku Dhigis Kala Dhihis", waxaana lagu kala duwi karaa iyadoo lagu soo kordhiyo afka 10 shaqal oo culus 10-ka shaqal ee aan hadda isticmaalno, iyadoo 10-kaas shaqal ee la soo kordhinayo loo kala qeybinayo "5 Shaqal Dheer iyo 5 Shaqal Gaab".

Kaliya, waxaa, sida ay qabaan aqoonyahannada afka, lagu kala saarayaa waxa loo yaqaan COD KAC (Intonation), oo waxaa marka uu codka ereyada isku dhigmada ah kor ku dhamaado, marka la marayo shaqalka, loo dhaafayaa sida aan hadda u qorno, waxaase marka hoos uu kusoo dhamaado la isticmaalayaa shaqalka noo qoran oo kor looga sameynayo calaamad(o) kale, sida dhibic ama dhibco iwm, iyadoo loo kala eegayo "Shaqal Dheer iyo Shaqal Gaab", kaas oo noqonaya "Shaqal Culus".

Waxaa jira dooda kale, sida in af Soomaaliga laga saaro  xarfaha qaar ama lagu soo kordhiyo xarfo kale, oo aan u baahanahay, iyada oo la tixgelinayo inaan leenahay ereyo ama dhawaqyo aynaan hadda qori karin, laakiin aan ku macbileyno xarafka ugu dhaw ee ku jira xarfaha noo qoran, sida magacyada aan la baxno oo kale.

Samsam (Zamzam) ama Yaanyo (Nyaanyo) iyo Wan (Wañ) ama Yaanyuur (Nyaanyuur). "Wan" waxaa lehjadda Maay-ga lagu dhahaa Caano, laakiin sida hadda loo qoro waxay isku dhigmo yihiin laboodka idaha. "Yaanyo, Yaanyuur iyo Wan" waxay leeyihiin sanqo-ka-yeer, waxaana jira ereyo kale, oo la mid ah. Waxaa kale oo jira ereyada sida "saadaal, kadaloob, godob, gadaal iwm", oo aan dhamaantood ku macbileynay xarafka "d", balse dhawaaq ahaan u dhigma "saathaal, kathaloob, gothob, gathaal iwm"

Meelaha ay dooddu ka taagan tahay waxaa ka mid ah in wax laga beddelo Shaqal Dheerka sida "Soomaaliya", oo ay aqoonyahanno badan qabaan in loo qoro sidan oo kale "Sòmàliya". Waa shaqal gaabkii oo kor laga calaamadeeyey. Marka saas loo qoro waxaa koobmaya xarfaha ereyga, iyada oo firaaqa uu qaadanayana uu yaraanayo. Waxaa la mid ah Kaalay, Dagaal, Habeen, Wiil iwm oo loo qori karo Kàlay, Dagàl, Habèn, Wìl iwm.

Waxaa kaloo jirta in ay afyahannadeenu qaar hayaan dood ah in aan loo baahneen habka ay u dhigan yihiin xarfaha ka midka ah xarfaha afkeena sida "Kh, Sh iyo Dh", kuwaas oo ay qabaan in si kale loo dhigi karo. Waxay ku durayaan sida ay hadda u dhigan yihiin in uu xarafkiiba ka kooban yahay 2 xaraf, taas oo la maareyn karo, iyada oo la waafajinayo dhawaqyada ay hadda u taagan yihiin, hase ahaatee la isticmaalayo hal xaraf uun. Tusaale, V=Sh, P=Dh iyo Z=Kh, waxaana sidoo kale la isticmaali karaa xarfo kale, oo aan ahayn 2 xaraf oo u taagan dhawaqa hal xaraf.

Ha iskudayin inaad xarfahaan qaarkood ugu diido inaan lagu beddeli karin dhawaqyada ay xarfihii hore noo hayeen, maxaayeelay sida ay u dhawaaqaan marka ay, tusaale, ku jiraan Ingiriiska darteed. Bal eeg, X ama C dhawaqyada ay Ingiriiska ku metalaan kuma metalaan af Soomaaliga, kuwaana waa saas oo kale.

Doodda kale ee jirta ayaa ah in xarfaha laba jibaarma, si aan ahayn in isla xarafkii dib loo soo celiyo loo go'aamin karo in loo dhigo, si ereyga looga ilaaliyo inuu noqdo mid xarfa fara badan ka kooban, qormooyinkuna u noqdaan kuwo kooban. Dadka dooddan qaba waxay soojeedinayaan su'aal ah "Ka warran haddii la isticmaalo calaamad ah sida SHID-ka Carabiga iwm, oo lagu dul dhigayo xarafka, si looga badbaado in laba xaraf, oo isku mid ah, leys barbar dhigo?".

Waxaa jira qeyba kale, oo af Soomaaliga la xiriirta, muujinayana iney dhigmada afku qabyo tahay, una baayahan yahay hormarin, dib ayaanse idin kala wadaagi doonaa, Iinshaa Allaah.

Mahadsanidiin
Nuur Cali Faarax

Monday, August 27, 2018

I'm Disappointed But I Have My Own Fortune!

From 1990s, I have been restoring hope to myself I'll sooner get a peaceful life, people's government and prosperity of Somalia, my homeland. I have been dreaming for 28 years, but I just have the actuality of no remarkable achievement within 3 decades.

Every president says me "don't go abroad" meanwhile they never stay home after their presidency. I see a new and a brilliant life starts for them and for their families in abroad with unaccountable money of my nation, but I have no authority to criticize them with the looting they did to the national property, and they have no morality that makes them shy.

I have just realized what I have been watching as a Somalia has been mirage, but near by 30 years went. I am sure my leaders are happy to lead me, but are unwilling and have no capacity to make me whom I want to be. 

More than half of my life expectency went off and I'm with disappointment in my home. I'm waiting to end up my life with depression. I must point it sadness, because I have no an alternative. I've assumed this will be with me till here after, but Allah's mercy is always open to everyone in anytime and anywhere. I am sorry to reveal such emotion. Real Gloom!!!

Many Thanks
Noor Farah