Monday, March 9, 2015

“Ma Anaa Waalan Mise Cadan Ayaa Laga Heesayaa?”



Oraahbaa waxa ay ahayd “Ma anigaa Waalan Mise Cadanbaa Laga Heesayaa?” . Mudo dhawr iyo 10 sano ah markii uu dalku ka bixi waayay colaadda iyo dowlad la’aanta ayay ummaddu fekertoo waxa ay tiri waxaa meesha ka maqan aqoonyahankii.

Wax KMG ay Reer Galbeedka iyo dowladaha gobolkuba nala daba joogaan, waxaa ugu dambeyntii lasoo jeediyay inaan noqono dowlad rasmiya; waa tan keentay in la helo dowladda hada jirta ee ay Bulshada Caalamku aqoonsatay, inaguna aan ku raacnay.

Mid ka mid ah waxyaabaha xiisaha badan ayaa ah in ay dowladdani tahay Democracy oo macnaheedu yahay Xakunka waxaa leh dadka, waxaana ku hoos duugan inuu qof waliba xor yahay feker ahaan iyo habka uu u noolaanaayo.

Hase ahaatee waxaa cajiib ah in ay dowladdan tan iyo markii ay u timid ummadda ay shalayto la’aan had iyo goor ku dhiirato in ay Xuriyada Hadalka baqtiijiso; waxaana u daliil ah inta wariye ee ay xirtay, mudo aad u fara badanna xabsiga ku haysatay xakun la’aan, qalabka warbaahin ee ay damisay, xarumaha idaacadaha ee latagee la handaday ama go’aanada aan qorneen ee loogu yeerinayo warbaahinta waxa ay tabin karto iyo waxa ay ka tageyso.

Dowladdu ilaa iyo xad waxa ay ku guuleysatay in ay suxufiyiintu baqdaan, oo ay xakameeyaan fekerkooda ama qalinkooda, waxa ay qorayaana ay noqdaan kuwa aan ku gudaha u maquuraneen xogta xafiisyadeeda, si ceeb badan aan loo ogaan.

Maanta oo ugu dambeeysay waxa ay dowladdu ugu yeertay suxufiyiin xarunta madaxtooyada dalka ee Vila Somalia, si ay u tabiyaan Kaalmo la siiyay, hase ahaatee markii ay hawshaas soo dhamaatay waxaa uu mudane ka tirsan baarlamaanka oo joogay meel aan ka fogeen goobta ugu yeeray wariyayaashii joogay halkaas in ay ka tabiyaan cabasho.

Intii ay wadeen duubista hadalka Xildhibaankaas, oo lagu naaneeso Xildhibaan Kula Lihi, waxaa goobta yimid askari. Waxa uu garaacay suxufiyiintii, waxa uuna hantaatureeyay Xildhibaankii, isaga oo la wareegay qalabkii suxifiyiinta.

Wariyayaashii ayaa ragagaxay, oo mudo daqiiqado ah garan la’aa waxa laga doonayo iyo dhibaatada keenta in sidaas loola dhaqmo, waxaase saacado kadib loo sheegay in ay qalad in wareestaan xildhibaanka.
Waxaa markii loo cago jugleeyay kadib, la tirtiray wixii xog ahaa eek u duubnaa qalabka ay wateen, waana lasoo eryay markaas kadib.

Mardambe, oo aan Xildhibaanka dib u wareestay, ayaan ogaaday inuu xildhibaanku ka cabanayay protocol-ka Madaxtooyada oo adkeeyay in lala kulmo madaxweynaha dalka.

Hadii madaxtooyadii gudaheeda ay saas ku yeelayaan ciidamadu, banaanka maxay ku sameen karaan, waase yaabee dowladdu ma Militaribaa mise waa Rayid Democracy ah, hadii ay saas tahayse maxaa kala duway waxa u qoran, qowlkeeda iyo ficilkeeda. Anigu yaabayoo waxaan iri “Ma Anaa Waalan Mise Cadan Ayaa Laga Heesayaa?”

Wednesday, March 4, 2015

Guriceel Waa Lagu Hishii Rabaa



Wararka laga helayo degmada Guriceel ayaa sheegayaa in la filayo in galabta lagu hishiiyo qodobo ay ka wada hadalkoodu hada ka soconeyso degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka Gaashaandhiga, Cabdul-Qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa 3-dii maalin ee ugu dambeeysay waxa uu ku sugnaa halkaas, waxa uuna ila iyo maanta hadba kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ahba la yeelanayay dhinacyada halkaas isku haya, sida ay ilo xog ogaal ahi ii sheegeen.

Ma jirto ilaa iyo hada qodobo si rasmiya la isku wada wafaqay, hase ahaatee waxaa la filayaa in hishiis buuxa laga gaaro colaada cidleysay Guriceel, ee muuqii magaaladaas ka dhigtay mid baqdin badan.

Suxufiyiinta ku sugan Guriceel, oo aan la xiriiray , ayaa ii sheegay in lagu wargeliyay in Galabta la siin doono xogta hishiiska wali qabyada ah, marka si rasmiya la iskula af-garto.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee la filayo in ay dhinacyad halkaas ku hishiiyaan ayaa la sheegayaa in ay ku jiri doonaan in lakala qaado ciidamada is hor fadhiya, loona ogolaado dadkii ka barakacay magaalada in ay dib usoo guryo-noqdaan iyo in ay 2-da dhinac mudo kooban si toos ah uga wada hadlaan qilaafka ka dhaxeeya oo ay soo afjraan farqiga kala geeyay.