Oraahbaa waxa ay ahayd “Ma
anigaa Waalan Mise Cadanbaa Laga Heesayaa?” . Mudo dhawr iyo 10 sano ah markii
uu dalku ka bixi waayay colaadda iyo dowlad la’aanta ayay ummaddu fekertoo waxa
ay tiri waxaa meesha ka maqan aqoonyahankii.
Wax KMG ay Reer
Galbeedka iyo dowladaha gobolkuba nala daba joogaan, waxaa ugu dambeyntii lasoo
jeediyay inaan noqono dowlad rasmiya; waa tan keentay in la helo dowladda hada
jirta ee ay Bulshada Caalamku aqoonsatay, inaguna aan ku raacnay.
Mid ka mid ah
waxyaabaha xiisaha badan ayaa ah in ay dowladdani tahay Democracy oo macnaheedu
yahay Xakunka waxaa leh dadka, waxaana ku hoos duugan inuu qof waliba xor yahay
feker ahaan iyo habka uu u noolaanaayo.
Hase ahaatee waxaa
cajiib ah in ay dowladdan tan iyo markii ay u timid ummadda ay shalayto la’aan
had iyo goor ku dhiirato in ay Xuriyada Hadalka baqtiijiso; waxaana u daliil ah
inta wariye ee ay xirtay, mudo aad u fara badanna xabsiga ku haysatay xakun la’aan,
qalabka warbaahin ee ay damisay, xarumaha idaacadaha ee latagee la handaday ama
go’aanada aan qorneen ee loogu yeerinayo warbaahinta waxa ay tabin karto iyo
waxa ay ka tageyso.
Dowladdu ilaa iyo xad
waxa ay ku guuleysatay in ay suxufiyiintu baqdaan, oo ay xakameeyaan fekerkooda
ama qalinkooda, waxa ay qorayaana ay noqdaan kuwa aan ku gudaha u maquuraneen
xogta xafiisyadeeda, si ceeb badan aan loo ogaan.
Maanta oo ugu
dambeeysay waxa ay dowladdu ugu yeertay suxufiyiin xarunta madaxtooyada dalka
ee Vila Somalia, si ay u tabiyaan Kaalmo la siiyay, hase ahaatee markii ay
hawshaas soo dhamaatay waxaa uu mudane ka tirsan baarlamaanka oo joogay meel
aan ka fogeen goobta ugu yeeray wariyayaashii joogay halkaas in ay ka tabiyaan
cabasho.
Intii ay wadeen
duubista hadalka Xildhibaankaas, oo lagu naaneeso Xildhibaan Kula Lihi, waxaa
goobta yimid askari. Waxa uu garaacay suxufiyiintii, waxa uuna hantaatureeyay
Xildhibaankii, isaga oo la wareegay qalabkii suxifiyiinta.
Wariyayaashii ayaa
ragagaxay, oo mudo daqiiqado ah garan la’aa waxa laga doonayo iyo dhibaatada
keenta in sidaas loola dhaqmo, waxaase saacado kadib loo sheegay in ay qalad in
wareestaan xildhibaanka.
Waxaa markii loo cago
jugleeyay kadib, la tirtiray wixii xog ahaa eek u duubnaa qalabka ay wateen,
waana lasoo eryay markaas kadib.
Mardambe, oo aan
Xildhibaanka dib u wareestay, ayaan ogaaday inuu xildhibaanku ka cabanayay protocol-ka
Madaxtooyada oo adkeeyay in lala kulmo madaxweynaha dalka.
Hadii madaxtooyadii
gudaheeda ay saas ku yeelayaan ciidamadu, banaanka maxay ku sameen karaan,
waase yaabee dowladdu ma Militaribaa mise waa Rayid Democracy ah, hadii ay saas
tahayse maxaa kala duway waxa u qoran, qowlkeeda iyo ficilkeeda. Anigu yaabayoo
waxaan iri “Ma Anaa Waalan Mise Cadan Ayaa Laga Heesayaa?”
No comments:
Post a Comment