Wednesday, March 4, 2015

Guriceel Waa Lagu Hishii Rabaa



Wararka laga helayo degmada Guriceel ayaa sheegayaa in la filayo in galabta lagu hishiiyo qodobo ay ka wada hadalkoodu hada ka soconeyso degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka Gaashaandhiga, Cabdul-Qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa 3-dii maalin ee ugu dambeeysay waxa uu ku sugnaa halkaas, waxa uuna ila iyo maanta hadba kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ahba la yeelanayay dhinacyada halkaas isku haya, sida ay ilo xog ogaal ahi ii sheegeen.

Ma jirto ilaa iyo hada qodobo si rasmiya la isku wada wafaqay, hase ahaatee waxaa la filayaa in hishiis buuxa laga gaaro colaada cidleysay Guriceel, ee muuqii magaaladaas ka dhigtay mid baqdin badan.

Suxufiyiinta ku sugan Guriceel, oo aan la xiriiray , ayaa ii sheegay in lagu wargeliyay in Galabta la siin doono xogta hishiiska wali qabyada ah, marka si rasmiya la iskula af-garto.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee la filayo in ay dhinacyad halkaas ku hishiiyaan ayaa la sheegayaa in ay ku jiri doonaan in lakala qaado ciidamada is hor fadhiya, loona ogolaado dadkii ka barakacay magaalada in ay dib usoo guryo-noqdaan iyo in ay 2-da dhinac mudo kooban si toos ah uga wada hadlaan qilaafka ka dhaxeeya oo ay soo afjraan farqiga kala geeyay.

No comments:

Post a Comment